Nabsi jacayl
Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana
sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu nafsi leeyahay
ood maruun soo galidoonto iyo jacaylka shilin raaca ah ee wax jacayl ah lays ku
qabin in uu mar uun dhamaanayo waana waaqica ka jira geyga soomaalida
sheekadani waxay maskaxdiisa ka soo maaxatay kana soo godlatay qoraaga dadda
yar Axmed cade
Qoraa muhiimoo
Qaradaha aduunka
Qalinkiisu gaadho
Qaadirkey hakaa dhigo
Qaradaha aduunka
Qalinkiisu gaadho
Qaadirkey hakaa dhigo
Qaxar iyo dhibyo Qalooc aan ba ‘ayniyo Quudhsi dadeed Qadirkey hakaa hayo
Qoomamka idilkoodiyo Quluubta aadamaha !
qaairkey hakuu furo!!!
qaairkey hakuu furo!!!
fadalan fikirkaagu waa muhiim akhriste waanad ka dhiiban kartaa hadaba
wixii khaladaad ah ama saxitaan ah ama su'aal ah nagala soo xidhiidh baraha
enternetka facebook :Ahmedtutorial or
maanta waa maalin jimce ah oo ay
dad kuna ay labisan yihiin waana maalmo roobeed oo waxa lagu jiraa seermaweydo
iyo dirir oo dhibica roobkuna maba qaado xareeduna waxay wadhan tahay meel
kastoo godon
dhirtuna way wada magooshoo
waxaad la yaabaysaa udgoonka ka soo baxaya ubaxa iminkuun dilaacay ee shiniduna
dul heebaabayso
cirkana waxa ka sii muuqata
jeegaanta midabada badan ee iminkuun roobku ka qaaday
dhulkana
waxa ka soo baxay tigaad ay xooluhu ku rayeen taasoo lagaga raystay hayaankii
doolqaadkii iyo naqraacii loona tagijiray meelo fogfog
shuuxa roobku madaayo galabkasta
ood waxaabad moodaa roobkii xayska ahaa eek a di'I jirey dhulka sare ama
buuralayda oo kale
waxay sidaa arin
ahaataba ileen nololi jacaykama dhamaatee waxa tuulo kuwada noolaa inan la
odhan jirey [miigane ]iyo inan la odhan jirey mabsuud
[miigane]
Miigane waxa uu ahaa wiil aad umaskax badan qumanaana
alle udhaliyey dheeli tiranka midabkana aad la ashqaraarayso hadaad yara
daymooto dhankiisa waxaad is odhansaa haka soo jeesanin waxaabad moodaa
xoralcaykii oo aduunka usoo baxay siduu eebe u abuuray
darteed
Miigane
sidoo kale waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah oon xoolo badan lahayn tuulada ay
dagan yihiin caanbay ka ahaayeen qoyskoodu
Miigane
ma aha qof dhacdhac badan oo hadalkiisuna banyahay kamana helo meelaha waqti
lumiska ah sida goobaha makhaayadaha hoteelada iyo meelaha fadhi ku dirirka
lagu hayo miigane waa inan dhigan taa iskuulku yaala magaalda bartankeeda
kuna
fiican waxbarashada oo waa hurmuudka ardayda fasalkooda doorkastana waa ardayga
koobaad ama ardayga baxa kaalinta ugusareysaysa kaal maha
waxa kaloo intaa u
dheer akhlaaq wanaaga oo uu qaato isagu
Iskuulkana waxa
uhadhsan halsanno oo wuxuu ku jiraa fasalka afraad
Tuulada waxa kula
nool inan layidhaahdo [mabsuud ]
Mabsuud
waa inan qurux badan oo lahayn wax een ah oo ukeenika foolxumo quruxdeeda wana
inan kala shuban ood marka aad aragto ku mabsuudayso
Mabsuud waxa ay ka dhalatay reer
nool iyo moodba haysta oo alle udhiibay xoolo
Mabsuud
waa inan aftahanad ah oo haddad la garanto laba cali iskaawaydiin
Mabsuud
waxa ay dhigataa dugsiga sare waxa ayna ku jirtaa sanadii afraad kuma
wanaagasna waxbarashada mana laha saaxiibo farabadan oo hablo ah hadiyo jeerna
waxa ay ku fikirtaa sidii ay u dhoofilahayd oo dhul shisheeye u tagilahayd -
Mabsuud
waxa ay dhigataa iskuul aad ugafog hoygeeda ay ku nooshahay oo wuxuu ku yaala
duleedka tuulada aydaganyihiin waxa intaa u dheereyd dhibaatooyin ay kala
kulanto doox udhexeeya tuulada iyo dugsiga ay
dhigato
maalmaha qaarkood waa soo rog manjirey dooxu oo markuu soo rogmado dadkiyo
duunyadaba waa qaadijirey maalmaha roob jiro ma dhigan jirin mabsuud iskuulka
sababtoo ah meel loo maraba majirto
Dhibaatooyinku
markey kubateen ayaa iyada iyo waalidkeed u fadhiisteen wixii laga yeeli lahaa
ee xal noqon lahaa lagana bixi lahaa dhibaatada soo wajahday ardayda ama
inantooda
kadib
markay gorfeeyen arintaa waxa ay go'aan midaysan ka qaateen in ay ka badalato
oo ay usoo badalato dugsiga ku yaala magaalada bartankeeda garoo iskuulku waa
dugsigii miigane dhiganayey
Waa
aroor hore oo waxa soo baxaysa cadceedii wali waxa ka sii muuqda dhulka
casuuskii qoraxda meelaha ciida lehna waxa ku da'day dhado oo hadaad carrada
seexato boodhi kama soo racayo
Waxa kaloo lamaqlaya cida
shinbiraha ee aroorta hor sawaxaya waxakalood arkeysaa ardayda dugsiyada oo
dareys koodii ku labisan iyo dad wada kalahayada wada degdegaya
Waxa layimi dugsigii waxaana lagalay safafkii oo waxa
ay ardaydii qaadeen heesta calanka iyo adkaar kadib waxa laysku diyaariyey
fasaladii galaaskastana waxa uu
galay fasalkoodii
Ka
dib markii muddo ladhiganayey xiisadihii ayaa waxa albaabka ku soo garaacay
maamulaha dugsiga oo wuxuu joojiyay macalinkii waxaana uuyidhi (ardayeey maanta
waxaan idiin wadaa ardayad cusub)
Waxana uuyidhi (ku soo dhawow
fasalkaaga cusub mabsuudeey)
Miigane waxa uu qac
ku siiyay isha mabsuud oo albaabka ka soo galaysa wuxuu daymada laraacay ilaa
ay kafadhiisanaysay
Isaga
oo wali kasoo jeesan ayaa waxa gujiyey ardaygii agfadhiyay oo waxauu ku yidhi
Arday: miigane maxaa kugu dhacay
eed inanta ka eegaysaa .?
Miigane
waxa uu yidhi isaga oo anfariirsan ood moodo inuu maqan yahay haystana shoog
ayuu ku jawaabay si cag culus waxba imahelinee macalinku halkee buu marayaa?
Miigane
mar hore ayaa ugu danbaysay miyiriyo maanba oo waxa maskaxdiisa ka dhex
guuxaysa inantii uu arkay ooku reebtay mahadhooyin aanu ka bogsan kareyn iyo
kalgacal aan xadlahayn ileen waxa hore loo yidhi jacayku waxa uu ka bilowdaa
isha
Miigane
waa maqane jooga oo waxa uu ag fadhiyaaba mabsuud balse waxa arkay
mooganaantiisa cashar ee haysata macalinkii oo si uu u soo jeediyo su'aal
waydiiyay
macalinku
uga ma baran in miigane wax garan waayo oo waxay fajac iyo ammakaag ku noqontay
inuu ka jawaabi kari waayo su'aasha dhibtayar ee uu waydiiyay miigane
miigane
waxa uu ku jawaabay hadalo isdhaaf ah oon midna midakale haysanin
maclinkii ayaa ku yidhi
maxaa dhacay miigane ?
miigane ma aha nin hadli kara oo
waxa haysta mashquul aweyn waxana maskaxdiisa yar dawakhisay mabsuud
isaga oo tashuush
kufuran yahay buu xiisadihii ku dhamaystirtay waxa uu sii fadhiyay galaaskii
ileen waa nin la qaatayee wax lahadlay
arday wuxuu ku yidhi waar miigane
inamari maxaad ka dhex qabaneysaa galaaska way dhamaadeen xiisadihiyee?
Miigane: Walee walee !! oo waxaaba moodayay in xiisad
hadhsanhayee!?
Mabsuudna
waxa ay yeelatay saaxiibbo cusub oo aad ay ugu timi iskuulka horaba waa ay ka
sii raacday saaxibadaheeda cusub ee ay ku baratay dugsiga
Miigane
waxa uu yimi hoygoodii ay tuulada ka daganaayeen miigane maqadayn oo hore buu
ujiifsaday gogashisii
Wuxuu
is ku dayay in uu seexdo laakiin uma suurtagalin hiiraga ka baxaya qalbigiisa
waxaabad moodda in uu lahad layo mabsuud oo wada xashaashuqayaan una
dhimrinaayo codkiisa oo uu ka ilaalinayo guuxa si uu waxa ugu sheego balse
taama awoodo oo waxba uma sheegikaro mana agjoogtaba oo cidla ayuu ku
daalayaa!!
Waxa
uu ku dhawaqayaa magaceeda [mabsuudeey mabsuudeey ] ileen waa nin banana geeri
go'ana ka qaylyaya sida loo maqlaynbaa wax kasta kaga daran iyo gargaar
la'aanta qofkaas ku suganyahay
waxba
madhaamo ninkaas isguba gogol dusheedbuu ka dhawaqayaayee waxana dardarey
jacayl loo ogeyn haa !haa! haa ! jacaylkuba waa cudur aan la ogeyn dadbadana
aysan ka filanayn
miigane waxa uu qirey inuu jiro
jacaylku mana rumaysnayn markii hore taana waxa uu ku cabirey ereydan hoos ku
qoran
waayaha
jacaybaa ninba meel ku waydhaafshoo
waagii
baryaba haduu jacayl ii wado
wadadaan
maraba hadaa warkiisa lagu hayo
hadduu
walbahaar iyo walaac
walaaliyo iiga dhigay wehel walee mar danbaanan odhan
waa been weynee by Axmed cade
waxa
lagaadhay maalitii labaad miigane isla sidii buu noqday oo wax cashar ah ma
dhiganini ileen waa nin la dagayee sidaasbuu ku dhamasytay maalintaana waxa la
gaadhay amintii larawaxayay
miigane
waxa uu daba dhaqaajiyay hablihi waxa uu u socdaa sida diinka oo kale hadii
kale waa uu ka dheeraynayaa is luudintuna waa dantiisa
hadda
waxa lagu jiraa xilli aad u kulul oo waxa lamaraya bil abaar iyo hanfi dhacaayo
oon laba talaabo aan laqaadi karin miigane milicda korkiisa ku dhacaysa iyo
boodhka aan suurto galka ahyn in lagu socdo waliba waxa kaga sii daran dhididka
ka tif leh ee qooyay dharkiisa balse waxaas oo dhan ba madareemayo umana
dhaadhacsana naftiisa oo waxa haysta ayaa ka wayn milicdan ileen naf wax jecel
waa indho la'aane
sidii uu miigane u daba socday
ayaa ay la dhaafeen gurigoodii marku cabbaar dhaafay ayey ka hortimi hooyadii
oo ku tidhi
Hooyo
: hooyo miigane ma dhamaday ...... ?
Miigane
waxa ka duulay wahabkii haystay oo waa uu baraarugay waana istaagay waxa uu
eegay hareeraha oo waxa uu arkay in uu soo dhaafay gurigii hadana waxa uu eegay
hortiisa hore basle hooyadii buu arkay
Miigane: halkeen joogaa hooyo ?
Alla ba 'ayeey hooyo
maad iga lumigaadhay manta...?
Inamari hooyo aan gurgii tagnee
Miigane
waxa uu yimi gurigii oo waa uu soo qubaystay ka dib isga oo daal badan ka
muuqda ayaa uu jiifsaday oo waxa uu isku dayay in uu seexdo ka oo markuu
indhaha isku qabtba waxa hor imanaysa mabsuud oo miyey ka faaruqaysaa maankiisa
oo waxaad ma hurduu ladayaa
Waxa lagaadhay maalintii danbe
Umana
sheegi karo qofka uu jacel yahay oo waxa uu ka baqanayaa in ay kusaydhiso ooy
ku diido jacaylkiisa xuduuda goostay
Waxa
uu qaadaya heestan isga oo uga dan leh halka uu maraayo inuu meel xun taaan
yahay jacaylkiisu wanaagana uusan kubiirn waxaa uu isku maa weelinayaa heestan
Illey lehee jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadaiyo cadabtaan
Wali kala dhex jooga
Waxa
la gujira habeen waa ladiwaayay miigane hurdana waa uu nacay habeenkiina waa uu
ku daba dheeraaday waagina waa uu baryi waayay waxaabad moodaa in gogoshiina
goodbaa kaga yaacay wax gasiin ahna marin afkiisa kabasho biyo mooyee miyay wax
kaleba ka dagayaan ileen waxa uu doonaya in aroorta uu ka sii raaco muhiim
jidka oo uu sii barto
Waxa lagaaray xiligi
dugsiga la aadayey miigane waa uu isa soo giijiyay isaga oo aad u qurux badan
ayaa uu ka soo baxay gurgii mise waxaba
agmaraysa
mabsuud hore ayaa uu ka siiraacay oowax uu ku yidh sidan soo socta
Miigane : iska waran
waxaan u malaynayaa inaan isku galaasnahayee?
Mabsuud : haa isku
galaasbaanu nahay
Miigane :magacaygu
waa miigane ee magacaa adiga ?
Mabsuud:waxa layidhaahdaa mabsuud
oo magacagu waa magic weyn ee maxaa lagugu bixiyey ?
Miigane : waxa laygu bixiyay waan
dheereya sida darted ayaa laygu magaabay
Mabsuud : aad baad u qurux badan
tahay wiiloow !!
Miigane
ereygaa aadbuu usoo dhaweeyay oo wuxuu moodayaaba in ay latacajabtay waxa uu
muujistay ifafaale wanaagsan oo waxa uu islahaa mabsuud way kaa heshay oo
hamigaagi waa uu ku hirgalay
Balse
waxa lagaracay jalaskii oo waxa lagalay xiisadihi miigane isagu meesha uma
imaado inuu xiisado dhigto laakiin waxa u yimaada in uu soo arko mabsuud qalin
iyo buug ismadul qabto waxa ugu danbaysay maalintii aysoo gashay mabsuud
iskuuka
Waxa
uu xaal sidaa ahaadaba waxa malintii danbe hadan ku kulmay iskuulka hortiisa
mabsuud iyo miigane waxa hadalkii la hor marey miigane
Miigane :waan ku
salaamay mabsuudeey
Mabsuud :waan kaa
qaadney ee maxaad haysaa miigane... ?
Miigane :waxaan
doonayey inaan ku sheego
Mabsuud : hee hee!!!
Waxa soo dhex galay arday ka
tirsan iskuulkooda wxaanu ku yidhi ina marsha iskuulkii waa lagalay yee
Wali uma sheegin miigane arintii
muhiim oo waxa kolkastaba waa laga soo dhex gelaya
Waxase lasoo gaaray rawxaadii oo waxa wadada iska soo
raacay mabsuud iyo miigane oo hadalkii siwata ayaa mabsuudi ku tidhi waxaad ii
sheegaysay maxaa uu ahaa miigane
Waxa uu yidhi sidan soo socota
Miigane
: maalintaad soogashayba kalgacalkii aad igu beertaan la liitaa Oo wadnahayga
waa uu qalan yahay oo dhiiga ayuu saydhinayaa oo naftaydu way dulmantahay oo
adiga ayaa udawa ah ee jacaylkan baaxada weyn il qaad oo isha sacabka mari oo
ayay ilmadaydu ku dhicin dhul abaarsaday?!
Mabsuud : waar maxaad ku
hadlaysaa oo ardaybaanu nahayee miyaad xishoonayn ood wax isku falayn jacaylka
iyo hawlihiisa makare ha'igula soo dhicin aniga !!
Walaalooy miyaad ka daysid oo
anigu awadaaban ubukaaye
Miigane
waxa qabsaday wajigabax aad u daran uuna kafilanay oo waxaay ku noqotay dhaawac
aad u weyn ereygaasi waxa uu sii damqay bogihii la liitay cishqiga iyo jidhku
ku baahay nabarada kalgacalka miyaad sidaa u garatay ....????
Meehanawga
jacaylka iyo nasiibdarda qabsatay isagooka hadlaya waxa uu lahaa ilaahayna ka
baryaya in uu arin tiisan u toosiyo ayaa uu ku hal qabsday hees tan
Tiiraanyada
cudur iyo
Ninay
tows haysaa
Ileen
taahma dayee
Taageer
allahayoow
Aritaydan
kala taal
Adaa toosin karaaye
Erayadan
ayaa uu ka dhigtay af goobaabsi uu ku celceliyo iskuna dhaafiyo waqtigan
xanuunka kulul iyo ee ciil iyo cadho jacayl iskugu beegmen
Mabsuud
lafteeda waxa madax maray ereyadii miigane oo habeen kii oo dhanba ma seexan
sida ay uga fikireysay jacayka loo soo bandhigay
Waxa
ay ka qoomamayneysay ereydii qalafsanaa ee ay ku tidhi miigane balse waxa ay
arinku gooysay inay tidhi waan aqbalayaa jacaylka miigane hadaba sideebaan ugu
sheegi karaa ileen waji umaanan dhiganee
Waxa baryay waagii
burburkey hurdada ka qaaday bay la kicikari ladahay mubsuud ma tagin iskuulkii
oo waa ay ka daahday inankii
miigane waa uu ka
waayay galaaskii oo haduu arki waayay waxa uu isku dayay inuu daydayo oo
hubsaday
Markuu hubsaday in ay
joogin dugsida waa uu fadhiyi kariwaayay oo waxa uu soo qabtay xagaa iyo
xaafadoodii waxa uu qaaday waada weyn kadib markuu cabaar socday ayaa uu
gaadhay gurigii waxa u istaagay guriga hortiisa marku milay taagna waxa soo
baxaday mabsuud oo tukaanka waxa looga diray waa ay aragtay miigane oo usoo
qoslaya kadib waxay aragtay fursadan in ay ka faa'iidaysato oo ay u sheegto in
ay aqabashay jacaykii uu u soo bandhigay miigane durtabdiiba waxa bilabantay
salaantii
Miigane :waan kaa waayay dugsiga ee maxaa ku helay waaban
kuu baqdayee?
Mabsuud: waan habsaamay oo waan iska joogay ee maxaad
haysa ?
Mabsuud :miiganoow arintii aad isoo bandhigtay waan
aqbalay ee sidaad u aragtaa ?
Miigane : marunbaa !marunba! marunbaa !
Mabsuud :haa haa
Ka dib Miigane iyo
mabsuud waxa ay noqdeen dad isku dheer oo dhuuxa isku shuba malinkastana jacayl
mooyaane waxa kale ba uma siisiyaado waxa waxa laysku badiyay kalmadaha
maxabada wata iyo kuwa aadka umacmacaan sida qalbigaygiiyoow dhayahaygiiyoow
naftaydiiyow muxubadaydiiyeey marwadaydiiyeey maskaxdaydiiyeey
Maankiyo
muruqaygiyeey la 'aantaa nololi macaan ma leh kacalo xabiibi xayaati wadnahayga
waan kuu badalilahaa naftayda waan kusiin lahaa nololsha waan ku huri lahaa
Ereyadani waxa ay sii
balaadhiyeen jacaylkii daganaa laabta miigane
Jacaykii
miigane wuxuu gaadhay heer indho la 'aan ah kalmadihii ay mabsuudi ku
odhaneysey waa ay waxa ay sii horumariyeen kalgacalkii dhex jibaxay qalbigiisa
Waxa
la dhamaaday iskuulkii oo waxa qofkastaba soo wajahday nolosha dhabta ah ee
hayaan ka loogu jirey miigane ma'aha qof iska iloobaya jacaylka waxa uu ku
hamiyaa siduu u shaqaysan lahaa ee u guursanlaha inanta ay jacayl wadaagta ay
yihiin ee mabsuud
Kadib bilo yar waxa tuuladii yimi
inan ka yimi dibada oo ay ilmaabti ahayeen mabsuud kaax oo in badan ku maqnaa
qurbaha magaciisan awaxa la yidhaah [maax]
Maax
waa inan dhalin yaro ah oo in badan soo tabcanaayey maal waxana uu dalka u yimi
si uu u soo guursado gabadh ka dibna uu dib ugu laabto wdanka uu ka yimi waana
arday isla sanadkan dhamaystay waxabashada jamacad heerka labaad kadib markuu
joogay todobaad una nastay ayaa waxa u yidhi dagmada inanteebaa ugu wanaagsan
oon guursada odayaashi xigey ayaa utimaamay mabsuud oo ku yidhi waxaad
guursataa inanta abtigaa dhalay iydaa waxbarashadiina dhamaystee
Maax waxa uu u yimi abtigii oo
waxa uu ku yidhi abtiyooy waxaan ka doonaya inanta mabsuud ?
Odeygii waxa uu yidhi ma inanka
aan abtiga u ahaybaan waxa udiidi karaa
mabsuud ayaa loo
sheegay arinta oo lagu yidhi inaabtigaa ayaa lugu siiyay oo dabada kula tagay oo
waad dhofidoontaa todobaado kadib
garoo
inantu waa tii ku fikiri jirtey in ay saarto cagta dhulka yurub maruun waa tii
oo waynaatay walina ka guuxayso maskaxdeeda dhoof
waxa
ay go' aan ka qaadatay in jacaylaka miigane lasii wadi Karin waayo waxa soo baxaday
fursad ka wanaagsan isaga iyo jacaylkiisaba
oo miigane waxa lagu dhaamaa
jeebka iyo dhulka lagaynayo oo ay aad u jecesha ahay nasiibdaro waa ay iloowday
ereydii aadka u macanaa ee ay ku tidhi miigane waxaa ay ilooday inay bal wada
galeen
miigane
ayaa maqlay arintaa waxa ay ku dhalisay xasaasiyad aad u daran walbahar iyo
walaaca aan la koobikarin
waa
uu samriwaayay oowax uu isku sii daayay gurigii inantu jeclaa magaranaayo manta
inay tahay maalintii ugu danbaysay ee uu mabsuud lakumayo waana malintu qaadi
lahaa qalbi jabka aduunyada ugu xun waxa uu gaadhay gurigii wxa uu garaacay
ganjeelkii ama albaabka gaydhka ah nasiib wanaag mabsuud ayaa kafurtay oo waxa
uu ku yidhi maxaajira ? waxan maqlay ma runbaa
waxa
ay ku jawaabtay haa waxa lay siiyay inan inabtinahay oo iga yimi dibada si uu
iiguursado oo waan dhoofaynaba ayaan dhow
Marunba! Marunbaa !Marunba!
Marunba! Marunba! Marunba!
Miigane
oo layaaban isbadelkeeda ayaa si luga jida uga soo noqday gurigii waxa uu ku
akhrinaayey heestan isgoo rumaysan inay dumarku wax hore u iloobaan oo waxa
tusaale kaaga filan umsha markay foolanayso waa ay tidhaa dib dan be u
dhalimayo ilmo danbe marka horena waa ay ka ilowda oomarka la arko qof wax iska
iloba ayaa layidha ma umulbaa iloow dhawa !!
Miigane
isaga oo si murugeysan ugu luuqaynaya ayaa waxa uu qaadayey heestan hoosku
qorqan
Ma
burburay heshiiskii
Balantii
majabantahay
Barashadu
maquusbaa
Kalmadihii
bogeyga iyo
Beerkayga
lulijirey
Iyaguna
ma been baa
Bi'iwaa
dumaroow
Waxay
beer nugeylkiyo
Xiisuhu
laba laba beriyo
Bilo
yar weeyaan
Hadduu
bisaykiyo
Kalgacalkii
kaa ba'ay
Ana
waan bogsanayaa
Miigane
waxa uu gudagalay in uu is iloowsiiyo muhiim iyo jacaylkeedii uuna maskaxda
dasaaro una sabro ileen jeebka ayaa cilay waxba mahayee muxuu yeelaa
Talo
ayaa ku cadaatay waxa uu go'aan saday in guursado si uu u iloobo taasina waxa
ay uga baahantahay kharash dheerada oo isguna mahayo
Kadib shan sanno
Waxa
is badashey xaaldihi nolosha miigane waa nin xaas iyo saddex caruura leh
mabsuudna waa gabadh carmal ah oo waxa ay kala tageen maax waxaay u hasaa laba
caruura waxa ayna joogta yurubta waxa ay u darsatay una busayshay araga dadka
soomaaliga aha wax af soomaali ku hadla waxa ay maqashaa marku telefoon usoo
dhoco ee ay lahadlayso waalidkeed iyo cida ka soo garaacada dhulkii
Waxa
ay ogaatay mardanbe si dhab ahana u xaqiijisay in jacaylka shilinku dhamaado
uusan dhamaan jacaylka labada qof u dhexeeya ama isku guursada uu yahay
raasamaal aan dhamaaneyeyn lacagtuna aysan waarayin oo ay jirto maalin ay
dhamaan doonto ama aan la hayn
Waxa ay isku dayday inay boodh ka
ka jafto jacaylkii qadiimoobay waxa ay soo dirtay waraaq oo aykusoo qortay
sidan
(
waxaan doonaya inan soo ceshano jacaylkeenii horeeyey iyo kalgacalkii baxada
weynaa oon dib uga tuno boodhka anigu waan khaldamay oo waxan raba inaan soo
ceshano muxubadii inoo dhexeeysay khaladkeygiina imikaan saxayaa ?)
Waxa kaloo ku qornaa
waraaqda tixdan
Baalaleyda
duushiyo boostiyo waraaqaha
boqol
jeer u dhiibeewaxaan baalka ugu qoray
kala
baadnayoo kala beel noqoneyee
barinayee
miiganoow ma bariday
mabsuud waxa ay
ogaatey oo iminkuun dareentay jacylka na nabsigiisa in uu dib kuugu soo
celinaayo qof aad mar ka horeba aad kaga baxday
nabsi jacayl daranaa
qalad kuna xumaa waxkastaaba waxa ay leeyihin waqti haddii uu waqtigiisa dhaafo
way xummanyaan qalad waqtigiisa dhaafay haddii lasaxayo waxa sixilahaa ibleys
waa ay soo gaadhay warqadani
miigane
oo miigane mar horeba
waa ay ka maydhantay qalbigiisa markuu akhriyey waxa uu qorey waraaqdan waxana
uu cinwaan uga dhigay jawaabta tixda
waxa uu yidhi : balaayiyo
baas
maanu sheegninee
maxa
adiga kuu ba'anaa ?
waxa uu siraaciyey
bogeyga
iyo beerkayga kabaxdee baybaay!!!!!!
Waxa uu qorey waraaqdan hoos ku
qoran
{
maalmuhu waa is daba wareeg oo waxaad samaeysaybaa ku yaala waxkastan nabsi
ayuu lee yahay maantan waxa ku haysta nabsigii jacaykaka ee waxan ku oadhan
lahaa naftaada eerso oo haygula soo dhicin doqonimada aniga waad ka maydhantay
qalbigeyga waxa boosna kuma lihidee salaama salaama }
Mabsuud waxa gaadhay waraaqdii
Ma waxay oydaa iyadoo nefteeda eersanaysoo ay noloshba
naacay soo aysan cuno cuniaynoo waxa
wax kasta kaga daran hadey
si
kastooy u oydaba waxba umatarayo balan qaadna mahaysato
{ileen
jacaylkuna nabsibuu leeyahay}
Nabsi
jacayl daranaa Naftuu helaana Wuu nuugaayoo Naxlibuu ku abuura
by axmed cadde
QORAA
AHMED MOUSE
0 comments: