Guurka iyo caado dhaqameedka somalida
Guurka iyo caado dhaqameedka
somalida
Guurku
waa heshiis shari
ah oo ku qotoma diinta ama
dhaqanka
Waana afgarad ka dhex dhaca laba qof oo lab iyo dhedig ah kuwaas oo ku heshiiya in ay reer
yagleelaan ama ay dhistaan
Guurku waa
saldhiga taranka aadamaha oo haduu guur
jirin waa uu dabargo'i lahaayeen
dadku
sikastooy
ahaataba bulsho waxay ka unkuntaa
dhismaha qoyska waxa sida la og
yahayna dhidibada u aasa guurka kalsooni
dhex dhacda labada qof ee
isguursanaya ama is fahan dhex mara labada jinsi
ama labada shaqsiyeed
Guud ahaan
bulshooyinka caalamku waxa ay ku kala
duwan yihiin dhaqamada iyo caadooyinka
la xidhiidha dhanka guurka taas ood arkeyso wax yaabo badan oo lagu kala
tagsan yahay hadaba dadyowga somaliyeed
waxa ay leeyihiin caadooyin u gaar ah oo cidana lawadaagin
dhamaan
somalida dhexdeeda cadooyinka waa ayka
kasimanyihiin waloow ay jiraan kala duwanaansho
deegaan kaasoo sababay farqiyo
dhanka guurka ah
hadaba waxa
jira guurar farabadan iyo caadooyin kuwaas oo ka baxay saaxada
nolosha bulshada soomaalida
waxaynu isku
dayidoona in aynu si kooban u
sharaxno guurka iyo
caadooyinka somalida
NOOCYADA GUURKA SOOMAALIDA
Guurku waa
noocyo badan yahay midkastana waxa uu wataa
caado soo jireen ahayd oo laga dhax lay
dadkii hore ee somalia ahaa
waxanad arkeysaa in ay yihiin
soomaalidu dad dhaqan s facweyn
lahaa muddo badana xoojinayey
dhaqanka se waxa maanta ka muuqda bulshadu dhaqan ka guur iyo ka sii fogaansho ay sabatay ka imaanshaha dhulkii dhankaqanku yaalay
siada miigii waxana ka mid qaar dabar go'ay iyo qaarkale oo sii dabar go'aya waxana ka
mida guurarkii hore
ee soomaalida noocyadan
v Geed-fadhiisi
v Heerin
v Dhabar-garaac
v Xigsiisan
v Dumaal
v Godob-reeb
v Xudun-xidh
Geed-fadhiisi
Geed-fadhiisigu waa
habka ugu sareeya guurka soomaalida waana guurka
ugu maamuuska badan uguna
sharafta badan waxankamida qaababka uu u dhaco ama loo gudoomo inanta laka guursanayo qaabkan hoos ku xusan
marka hore
doobku waxa uu sahan u gali jiray soona day dayi jiray isaga
iyo dhalin yaro kamida beeshiisa
waxayna dhalinyaradaasi ku
taakuleen jireen doobka si uu usoo helo inan tii ku habooneyd wiilka
inanta
laguma deg degi jirin oo way hubsan
jireen in ay tahay inan gabadh gaari ah oon baaliyo basritoona ahayn sidoo kale
inantu iyaduna dhankeeda ayey iska tijaabin jirtay doobku
haduu ku qanco inanta waxa intaa ku xigtay in reerka
ayaa loo sheegi jirey inanta
hablaayo in loo so geed-fadhiisan
doono malinta caynkaas ah reerka ay inantu ka dhalatay
waxa ay isku diyaarin jireen in ay sameeyaan una
waabaan geedkii inanta lagu bixinlahaa
kaaso muhiim ka aha dhaqanka somalida
waxakaloo reerku diyaarin jireen sooryo
lagu cuno inta lagu jiro bixinta inanta
hadaba inta
ay socoto hawsha sooryentu waxa dhex socon jirtay kaftan iyo taarriikhada hablihii hore ee la
kala guursaday iyo guulihii ka dhashay
ayaa lays dhaafsan jiray intaa
kadib waxa madasha ka kici jiray af hayeenka martida oo hadalkiisa ku soo koobi jirey
Mantana
muraadkayagu waa hablaayo ood hebel
siisaan oo nagula xididaan
|
markuu
dhamaysto waxa hadalka kadaba qaadan jirey nin ka soo jeeda dhanka martida loo
yahay ama inanta bixinaysa isguna waxa
uu hadalaka ku soo koobi jirey sidan soo socota
Idin siinay idin kula xididnay hablaayo
|
marka intaa
lays dhaafsado waxa loogu jawaabi jirey [idinka gudoonay] intaa kadib waxa
gacanta isaari jirey wakiilada ka kala
socda labada dhinac sida caadada ah inantu kama soo qaybgali
jirin ama kama aysan xaadiri jirin
geedka iyo madasha lagubixinayo sidoo kalena inanku kama hadli jirin goobtaa
islamadasha
waxa lakala qaadan jirey gabaati
Gabaatigu waxa uu ahaan jirey faras shaabuug kitaab quraan ah iyo waxyaabo kaloo qiimo
badan
hadaba waxa
inanta bixin jirey inant inta badan aabeheed
oo ah ninka ay ka godo arinta
gabadhisa ama inantiisa waxakaloo bixin
jirey hadii lawaayo ama sababo kale ku
yimaadaan awoowgeed oo ah masuulka
labaad ee inantu ka godo ama bixin kara
wxakaloo soo raaca adeerkeed ama walaalkeed haduu qaan gaadh yahay intaasiba waa ragga aasaaska u ah
dumarka ee bixinkara waana
lagama marmaan
HEERIN
Heerinku waxa uu ka mid yahay guurka soomaalida ama caadooyinkii hore ee laga soo
gaadhay dumarkii hore ee soomaalida ahaa
guurka
heerinku waa guurka inta ay gabadhi reerkooda ka tagto aysan
aabeheed bixin oo ay reer iska dul fadhiisanto ooay tidhaa
waxaan ahay inan heerin ah
waana guurka
soo go a dumarka marka
la guursan waayo ama ay
gashaanti ay noqoto oo uu guurku ka raago waxa kaloo kamida in inant ay nin isaaqsatay ama eegatay
ooy doonayso in ay guursato
sidaasina waa ay keeni jirtay
waxa kamida qaababka uu u dhaco guurkan
in ay
hablo dhowr ahi ka raago
guurku ama ay noqdaan hablo waaweyn
oo la danayn waayo ka dib
waxa ay gaan san jireen in ay isaga tagaan deegaanka ay ku nool yihiin oo ay tagaan deegano kale waxayna
ahaayen guurdoon oo sida ay u socdaan ayaa reerka ka soo
horbaxa ay iska fadhiisan jireen iyagoon
idan waydiisan
markaa waxa
la odhan jirey waxa inoo soo galay hablo
heerin ah waxan kala qaybasan
jirey ragga reerka jooga oomarka
meel laga eego guurkani waa guur qasab
oo waxa jira haddii aad soo
saarto hablaha xeerar adag oo ay
soomaalidu ku dhaqmi jireen
waxana kaimd ahaa in inant
heerinka ah ee lasoo saaro ay tahay sharaf dhac
oo lagu xadgudbay sharafta qabiilka ay ka soo jeedo iyo sharafteeda waxa kaloo
xeerarka soomalida kamid ahaa
inan ta lasoosaaro iyda oo heerin ah in
magteedii labixiyo oo 50 halaad
la dhiibo xeerarkani waxay
ahaayeen qaar muhiim ah oo aan suurta gal ahayn in dhayal layskaga daayo
xaalkuna waa
uu adkaa oo haday qabiil bixin waayaan
waxa lagu tala gali jirey dagaal goobtana waxa ka dhici jirey colaado horle
DHABAR-GARAAC
Dhabar-garaacu waxa uu kamid yahay qaababkii
loo ggursan jirey gabdhihii soomaalidi
hore
guurkani waa guur qasab ah oo waxaad arkeysa sifooyinka xun ee uu leeyahay waxana kamida qaabka uu udhaco
in inani
ay nin ku tidhaa ima guusaneysid aniga oo ku dayriso
guur uu waydiistay ka dib marka
uu xanaaqo waxa uu samaynayaa in iyda oo
adhi la joogta ama ciyaarka
ciyaareysa uu soo qabto isaga iyo dhalinyaro kale oo uu soo kaxaystay
waxana si garbaduub ah loo
soo kaxayn jirey inanta oo hadii ay diido in ay
laba dhangadood gosha u galiyaan
ayey qaadi jiren waxa kale lasmayn jirey intaa ka
dib in inanta uu abeheed qasab ku bixiyo ileen waa la taybee
XIGSIISAN
xigsiisanku
waa nooc ka mida guurarka
soomaalida ay caado dhaqameed ay u
leedahay oo laga soo gaadhay dadkii hore
ee soomalida ahaa
xigsiiisanku
wuxuu imaada marka ay dhimato
gabadhii uu qabay nin
ka dib waa marka uu reerku
siiyo inankii isla
reerkii ayaa layidhaa hebel wuu xigsiistay inankale ayaa la siiyey
inta
badan waxa ninka lasiin jirey marka ay ka dhimato gabadhiisi hore ee uu qabay inan ay walaal ahaayeen marxuumadii
ka dhimatay ninka
inta
badan waxa ay dhici jireen marar dhowr ah waxana ka mid ah
Gabadhu ama marxuumadu ay ka tagay caruur yar yar
oo loo gu daneynayo caruurta
iyo reerka
In ninku ku cusub yahay guurka taasina waxa la
siiya gabadh kale oo ubadasha tii ka dhimatay taasina
waa ay keenta xigsiinka
ujeedooyinka
xigsiisanku waa wax wanaagsan oo
dhaqan ah kaasoo loogu danaynayo caruurta
iyo reerka oo looga baqaayo in ay
dayacdo hadii gabadh kale soo gasho caruurtana si ku haboon u dhaqi weydo caruurtii
rajoowdey ee hooyadood ka
baxday
waa
caado aad u wanaagsan waxayna ka mid tahay dhaqameed waana guurarka sii dabar go'aya ee
guurarka soomaalida
nin la odhan jirey samatar baxnaan oo xigsiisatay gabadh markey ka dhimatay tiisi hore
waxa uu gocday in ay san u dhigmi karin tani gabadhiisi hore
ee la odhan jirey cibaado waxana uu tiriyey tixdan
waxase u soo jawaabay nin ay gabadh ay is xigeen oo ku leh waar hab laha ama gadadha
waa loo xil qariyaa ee u xil qari ankuba hablaha waxba kama sheegne
caku dunida
cuur wada dhashaa qaarba cayn yahaye
caleemaha
baxayaba darbaan carun ku
dheehnayne
yaa yidhi
cibaadiyo tanaa caano wada
nuugay
waa tan jawaabtii
Ninkii
qaawiyaa dumar ku arag qoonsimaad badan e
Anagguba hablaha waa
qabnaa waana qarinaaye
Qaylada maxaad
samataroow kor ugu qaadaysa
DUMAAL
Dumaashu waxa ay ka mid tahay
guurarka sii dabar go 'aya ee ka
dhexbaxay bulshada dhexdeeda waxana ka mid
tahay caado dhaqmeed laga soo gaadhay dadkii hore ee soomaalida
dumaashu waxa ay ahayd marka walaalka uu ka dhinto
ama inadeerka gabadh uu qabay ood
guursato adigu ayaa la odhanaya hebel waxa uu dumaalay hablaayo
dumaashu
waxalogu danaynaya caruurta si ay u dayacmin oo aan raaska uusan u soo gelin nin caruurta waxba u ahayn
dumarku madumaalo qof
aysan dooneyn oo ay ka raali ahayn aysan ragganimadiisa geesinimadiisa
ay hubin wuxuu yidhi nin abwaan ahi isaga
oo kahadlaya arintaa waxa uu
yidhi sidan
ü Madumalo naagaha
ninkay nolol ku dayrshaane ;
abwaan salebaan carrabey
GODOB-REEB
Godob-reebku
waa nooc kamid ah guurka soomaalida ama siiyaabaha laysku siiyo
hablaha
gudob-reeb
ku wuxuu dhacaa marka dhiilo
ama dagaal ka dhex dhaco
laba beelood oo meel wada dagan
marka beeluhu
islaayaan kalana gaadho
dhiig dadkuna kala kaad sadaan isku socodkii colaada awgeed ayaa odayaasha labada beelood ay iskugu iman
jireen geed hoostii si ay u xaliyaan dhibaatada ka taagan
bulshada ay ka soo jeedaan iyo
habkii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa
ayaa ay howsheda galaan
garta waxa laysku haysto iydoo ay u gar naqijireen
dadka baxsan labadaba waxa hubaal ah in ay labada beelood ee colaadu ka
dhexayso samayn jireen in guurtidu tidhaa beelwalba
waa in ay soo saartaa hablo dhowr
ah
ka dib waxa
lays waydaarsan jiray oo lakala guursan jirey
halkaas ayaa
labada reerna ku xididi jireen waxayna
noqon jireen umad aan kala maarmina oo abti iyo inankii ku ahaan jireen
sidaasna waxa loo samayn jirey in ay
nabadi ku dhalato wayna ka dhalan
jirtey
XUDUN-XIDH
Xudun-xidhku
waa nooc ka mida siyaabaha ay soomaalidu isku guursato waana guur soo jireen ah oo laga dhaxlay dadkii hore ee soomalida
ahaa wana mid qiimo badan
xudun-xidh ku waa marka inanta uu aabeheed ku idhaahdo hebeloow inankaaga
ayaan inantayda ugu xudun xidhay
oo macneheedu yahay way is guursanayaan
markey weynaadan
hadaba guurka noocan ahi waxa uu
dhicijirey markey laba qof
ama labada waalidi ay saaxiib isku dheer ahayeen ayaa ay inta badan sidaa
samayn jireen si ay san u kala tagi
una kala fogaan
guurkani waa
guur dhib badan oo aad u adag mataqaan inantu inanka ay guursanayso raalina kama aha mana wada hasaawin maysan dooran iyadu waxa kaloo intaa lawadagaa
inanka
guurkan waxa
lakala gudoomay inantaiyo inanka oo yar
ama uurka ku jiraan hadaba marka dhan laga eego noocan guurka ah ma 'aha mid
fiican oo loo bogikaro
soo koobid caadooyinkii hore ay samayn jireen
dadkii soomaalida ahaa xiliga guurka
KAALADA: kaaladu waa
dhaqan ay leedahay soomaalidu
waana caado soo jireen aha
guurkana u ah wax muhiim ah
hadaba
kaaladu :ereyga sida kamuuqata waa taakulayn iyo wax tar
qof ubaahan in loo gargaaro micnihiisadhabta ahna waa gargaar
kaaladu waxa
ay ahayd in inanka guursaday xoolo loo ururiyo dadku siiyaan maal inta ay karayaan
ayuu qof kastaba keeni jirey
waa waxa
wanaagsan in lacaawiyo dadka ama qoyska cusud ee hadda la yegleelaayo hadana waa ay ka xishoon jireen dadku in ay guursadan iyga oo faramadhan taasna waxa ka hadlay abwaan la odhan
jirey Xuseen Qasaal oo lahadalayey inan uu adeer u ahaa isada oo yidhi
inan ayaan guursanayaa aniga oon xoolo faraha ku hayn abwaankiina waxauu yidhi sidan
Nikay oori
caydhihi siidii aarka daba joogto
Goortuu ayaamo ugalmoodo aradku
hayn waaye
Inkastood
asaag kula midiyo ayni kale raacdo
Waxaad iman
ayaantuu tashigu oodan kaa gale e
Adeerkaa rumaad baan ahiyo
aabahoo kale e
Arintayda
maqal jeer danbaa la
arki doonaaye
waxakaloo lasheegaa in Abwaan Cismaan Aadan Dibi oo xoolihii ka kala dhimeen ayaa abihii waydiisanayey
geell uu ku daro xoolaha reerka loo geynayo waxana uu tiriyey tixdan
hoos ku qoran
Aabow rag
manidiisa waa
madhacsamaadaaye
Aabow ma
meermeeri karo mayayna soo hoorye
l
Aabow hadaan laga makalin maahirey dhaliye
Aabow mar
qaliil iga madhwayn ha igu maydiyayne
Aabow marbaa igu
hadhaye mawsinkii
ridaye
Aabow mar
qudha waadan arag midab haldhaaleeye
Aabow midha
faarax iyo madaxdii weeyaane
Yarad: yaradku waxa uu ahaa xoolaha labixinaayo
marka inanta lala soo
wareegayo
Gabaati : gabaatigu waxa uu ahaa
xoolaha lagu bixiyo madasha
la fadhiyo ee inanta lagu
bixinayo
hadaba yaradku waxa inta badan inanta lagu jaangoyn jirey yaradkii hooydeed laga bixiyey kaasoo inuu
kabato mooyee inuu kayaraado ay adkaan jirtey
ninka waxa
lagu qiimayn jirey ama lagu maamuusi jirey
inta uu ka bixiyey xoolo inanta
uu guursaday xoolo badan in aad bixiso waxay ay ahayd mid uu ku faano hadhowna uu kula
gorgortomo ragga ka soo dooni doona
hablihiisa
waxaynu soo qaadan doona tixyar uu leeyahay cabdi bacaluul oo intuu xoolo laxaad leh bixiyey lagu soo
yidhi soo kordhi waxan angu
hablahayga kumabixinee
Xoollaa
laxaad leh ee waxkale libin ma
hooyaane
Lixdan adhiya
iyo qaalibay igaga
laaleenee
Liil
geliya caawana wixii lagula laabmayo
Hadaba
waxahablaha lagu bixin jirey xoole ahaan
marka la eegayo waxau badanaa uguna qaalisanaa inana ku soo xero gelinaya waa geell geelluna waa xoolaha ugu qaalisan ee ay dhaqdaan dadka sooomalida waxana cayna in hablaha lagu bixin jirey geella tixdan uu leeyahay Abwaan
Salebaan carrabey
wuxuuna
yidhi sidan
Guurdoon
haddaad tahay asaad geela bixinayso
Waa gaadan
jirey inan ninkii goosan karaayaa
Gabadh
waliba waa hooyadeed tay ugurataaye
MEHER :
meherku waa
xoolo aan reer iyo qoysna lahayn oo lasiinayo gabadha waana xaq
ilaahay ugu waajibiyey ragga inay dumarka siiyaan waxa
waana shardi diineed oo hadii
lawaayo uuna ansaxayn meherku
Meherku
sidoo kale wuxuu lafdhabar u yahay ka
heshiinkiisu fulida fulida guurka iyo habi usocodka hanaqaadka in la noqdo lamaane wadaaga nolosha
inkastoo
lagu kalaa duwanaa deeganada
soomaalida wax yaabaha lagu bixin
jirey meherka gabadha inta badan caan ahaa geella dayowga kale een haysanin geellna waxa uu ahaa kolba waxa ugu qaalisan
ee laga helo ama laga isticmaalo
deegaanka ay ku noolyihiin
DIIQQDA
Diiqadu waa
xoolaha lasiiyo reerka cusub ama labada qof ee is guursaday ama labada qof ee
lamaanaha noqday
dhaqankan oo
laga wada sinayen waa caado lagaga dhaqmo gobolada qaarkood
marka la
bixiyo inanta ayaa labada qoys ee
xididay ka balamiyi jireen waqtiga aqal galka kaas oo aan ka yaraan jirin muddo sanad
ah muddada sanadka ah reerka laga guursaday inaanta ayaa waxa ay sii diyaarin jireen aqalkii aygali lahaayeen reerka cusubi oo
dhamaystiran
MARIIN
Mariinku waa
dhar dahab ama lacag adag
uu keeno wiilku una keeno inanta ama
aroosada
berigii hore
waxa ugu mihiimsanaa oo mariin layskugu keeni jirey cunaabi suuqad iyo muriyad beryahan danbe ee magaalooyinka layimi waxa
ugu qaalisan dahab lacag
wax mariin laysku siiyo
waxa
laguda galaa intaa kadib in arooska ladiyaariyo oo lasameeyo madal laysku arko lana oogsado mashxarada ciyaaraha heesaha
gabayda geeraarada buraan burada iyo waxkastoo ka qaybqaadan kara farxada waloow maanta ay ka gedisan tahay waxyaabahaynu kor ku soo xusnay
GELBINTA AROOSKA
Marka aqalka ladiyaariyo
ayaa arooska iyo aroosada midba
dhinac laga soo galbin jirey iyadoo loo soo wado madasha
ama aqalka loo diyaariyey haduu
yahay laba daryaale iyo ganbisba midku
doonaba hanoqdee aqalka loo
dhisay ayaa la keeni jirey
galbiskuna berigii hore lugbuu
ahaa
aroosada dumarbaa soo galbin jirey mushxarad iyo heeso ugaar ah yaa ay u qaadijireen aroosada iyaga oo daafaha kasocda marka ugu danbeysana waxay keeni jireen aroosda
hoyga iyada oo faraxsan lagan adheenaayo waji furan
inta
badan waxa aroosada ay wadan jirtey ilmayar
ama daadahayn jirtey sidoo kale waxa ay sidan
jirtey dhiil caano ah sidani waxa ay ahayd filasho
iyo rajeyn wanaagsan oo looga jeedo caruur iyo xoolo badan
Ragguna
ragguna
geestooda ayaa ay kasoo galbin jireen arooska
ayaga oo ku labisan dhar
aad u bilicsan una badan dharka
hiddaha iyo dhaqan kaynu u lahayn
sitana gaashaan iyo waran marka layimaado hoyga
arooska ayaa ciyaar lakala oogsan jirey
ragga iyo dumarka
waxakaloo
jirtey in aroosada lasoo raro kahor ayaamaha arooska oo lakeeni jirey aqalka
cusub hooygeedana waxa looga
dhisi jirey meel ka yara durugsan raaska
HEESAHA AROOSKA
Marka inanta lasoo kaxeeyo ee aqalka lasoo
galbinaaayo aqalkeeda waxay dumarku
uqaadaan heesahan kuna
guubaabinayan
gaarinimada
iyo isku filnaasha ay
reerkeeda ku dhaqilahayd waxaana kamadh
neyn ducooyin ay u du cayn jireen una
filaanjireen ubad iyo xoolo badan
walina dhanka wiilasha ayey ubadin
jireen
waxana kamida kuwan hoos ku xusan
Gabadha soo
gelbiyey
Gedo
xariireey
ninbey
jabaday
jookh dheereey
Qacmo meel wadatooy
Gabadha qaliifooy
Wacayskii qoraye
Adigu qaadooy
Qaalmo meel
wada tiyo
Gabadh
qaliifooy
Wacays
raagey
lagaa reebyeey
Arooskeena aamiin
umulo wiil leh aamiin
Arooskeena aamiin
Alloow tiiri aamiin
Alloow taqbal aamiin
Arooskeena aamiin
GAAF
Gaafka waxa laga isticmaala
gobolda qaarkood oo loma dhama waa meel la waageeray oo lagu qurxiyey gogol sharaxaad
kale oo lagu soo gunaanado
xaladihii iyo munaasibadihii socday
arooska habeenkaas xeedhadii
arooska la keenaa oolagu soo bandhigaa dadka hortooda
is la habeen ka waxa suga habsami u socodka madasha
iyo kala danbeynta hablahaasi waxay sitaan ulo ay ku hagaajinayaan kuna edbinayaan qofka xumeeya
madasha
xeedhadu waa fujaan ay ka
buuxdo muqmad taasoo lagu dahaadhay
timir laga saaray laftii lana
xashay waxa ku qofilan dabaq iyo sati oo sidii gabadh caruusad ah ayaa loogu
soo lebisaa waxna loo xidhaa maro masar
hilqado katiinad boqor dhacleh kabo intabadan waxa lagu xujeeyaa ragga ka
soo jeeda dhanka ninka arooska
ah dhalin yara ayaa is ku dayda in ay furaan se ma gartaan
mana fududa sida lagu furo xeerada
waxana fura qof aqoon dheerada u leh
dhaqan ka kuna xeerdheer hidaha
iyo dhaqanka
furida waxa laga bilaabaa
hilqadaha katiinada iyo masarka
oo inta hoos loosocdo ugu danbeyntiina
waa laga wada siibaa ilaa
kabaheeda qofkastana oo garan
waayana hablaha ayaa ku karbaasha
ulo
madashani waa madal laysku xujeeyo
laykuna tijaabiyo maskaxaha kala
duwan ee binu aadamka jirabkuna
kama maqna waxa kaloo lasameeya in lays waydiiyo hal xidhaalayal suaalo
dhankasta ah qofkii garan waayana waxa
xukumi jirey maxkamad ay
samaysteen wardiyaasha madasha
ama askarta meesha joogta askartu
maaha askartii caadiga ahayd ee aynu naqaanay waa dhalinyaro madasha jooga oo
dadka su aalaha waydiinaya
madashani waa madal ay
isku bartaan dhalinyarada arooska ka soo
qaybgashay taasina waxay fursad sii saa
in ay samaysmaan qoysas cusub ku waas oo salka u sii adkeeya jiritaan binu
aadam ka iyo tarankiisa
xididaynta
guurka
xididaynta guurku waa waxa ay isku noqonayaan labada reer ee
iska guursaday maraka laga hadlayo dhaqanka soomaaliga
xididnimadu waxa ay ka
dhalataa guurka oo waxa lo odhanayaa labada reeri waa
xidid iygoo looga jeedo labda
reeri inay
waxbay kala qabaan sidoo kale xidinimadu waxay dhalisaa in lays ixtiraamo lays sharfo lays maamuuso
qoysba qoyska kale
inanka arooska ah abihii
waxa uu unoqonaya inanta lasoo
guursaday soddog hooyadana waxay unoqonaysaa inanta aroosada ah soddoh inanka arooska ah waxa u
noqonayaa inamada ay walaalaha yihiin
inanta seedi hablahana
waxauu unoqonayaa dumaashi
hadaba haday sidaa isku dhex galeen
labada reeri waxana keensanaya dhaqankeena qaayaha badan xidhiidh ku intaa kuma eeke waxa uu gaadha
qabiilka oo dhan oo waxa layidhaa reerkaa
hablaynu ka qabnaaye wanaajiya
khilaafka iyo sababaha keena qoyska soomaaliga
khilaafku waa wax iska
caadiya ooka dhex dhaca dad meelkuwada nool waanu imankara xili kasta saban kasta ileen meel dad iskugu yimid lagama
waayo ismaan dhaafe wana ayka hor
imankaraan lamaanuhu soomaalidu way ku
maahmaahan iyagoo sheegaya in uu khilaafku wax dhicikara yahay sheegaya waxay dhahaan {carab
iyo ilko ayaa isugu dhow oo iyaguna way
is qaniinaan }
laakiin waxa nasiib dara
ah in la xalin ka riwaayo khilaafka yimi
xurguftu waa ismaan dhaafka ugu yar ee dhex marta
lamaanaha iyo cidkastoo khilaafka dhexeeyo
waxayaabaha layskaga hor
yimaado inta badan ka waxa ka midahaa sida
loo dhaqaaayo reerka ama dayac
xumo ka muuqata xoolaha iyo reerka
waxana heerka ugu sareeya kaga jiri
jirey marwooyinka loo yaqaan baalida
ama basarida
waxa inta badan muranku salka ku hayn jirey dayactirka
reerka xoolaha caruurta odayga
marti galinta iyo sooryenta
culumada waxana sida muujinaya abwaan soomaliyeed oo kor iyo hoosba waxa ugu
sheegay gabdhiisa laakiin ay qaadan
wayday oo kasiiqaday walaf ilaa ugu danbeyntiinamarkey dhagjalaq usiinwayday soo bandhigay eenta iyo ceebta ay leedahay gabadhiisan uu qabaa
waxanuu ahaa ninkii la odhan
jirey maxamuud cali beenaale
wuxuuna yidhi
naagyahay wadnaha kuuma
gelin waanadii hore ee
weedhaan qalbiga kuugu ridey welefku kaa qaadye
wacdigaan ku faray
waadigaan wageree xaalaynee
haddaan wayne kaa
qaban asaan waaxidkaa celinnin
walaalinta ubadkaaga waa lagala
weecdaaye
kaa waayey wiilkaaga ood sidato
waa noole
waayeel cirro leh weedh xunwaa lagala waabtaaye
kaa waayey inaad waalidkey waxu lilleysaaye
wehel culumo kama maarmi
anigoo weyne
kaa waayey inaad waysada weli u qaadaaye
dhallinyaro walaashayn haddaan waabka soo geliyo
weylaalistaad ii dhigitiyo waalidiyo gaadha
kaa waayey meel wacan inaad wagac ka siisaaye
xigta weehad laga soo lisiyo
weris dhanaankeeda
kaa waayey inaad weel culan wax igu siisaaye
wejigaa la maydhaa kolkay
waabberkii tahaye
ma widh widho jidhkaan lagu
wadeyn weelka dhaashiga e
kaa waayey weligey
inaan waana kuu bogo e
ALLE ha unaxriiste abwaanku si qoto dheer ayuu u
waaniyey waxna ugu sheegay qofta dumarka ah in ay dhinac yada uu
tabanayo ay sidan udhaanto
Abwaanada soomaaliyeed marna kama gaabin in ay wax u
sheegan dumarka una
tilmaaman dowga saxda ah ee ay mari
lahayd iyo waxa ay kaqaban lahayd
nin aftahan aanan magaciisa haynin ayaa gabadhi guur ka dalabtay
waxa uu ku lahaa isaga oo u
sheegaya wax uu rabo in samayn lahayd
haday noqoto afadiisa
wuxuu yidhi sidan se ma ah
gabay waxaanka mid ahayd kalmadahan
ninmishiiqsi
badan baan ahee maydhasho hadaynin
kol haddaanad iga
maarmin idan ha moogaan
tuurey ganbadaadu leedahaye taabo madaxaaga
habeenkii
hurdada tiinbo towdhe waaberiga
yuu adhigu
kaa kala taginee tiri baraarkaaga
xildhibaan ogow waxaan jeclahay
xaraf gobaadeede
xoolana ogoow nimaan lahayn
xagashu waa weyde
hase ahaatee arintu waxa
xurgufta xalin jirey isla
odayga reerka ahna ninka qaba gabadha waloow ay ceeb ahayd oo ay dadku inta badan
usan u bixi jirin khilaafku dibada laakin mararka ay xaaladu adkaato ayna lagama
marmaan noqoto in dadkale xaliyaan ayaa odayaal loo saari jirey arinta khilaafka waxaynaka koobnaan jireen odayaal
ka socda dhanka inanta iyo kuwo
kale oo ka socda inanka waxayna goyn jireeen
garta oo ay siinjireen qof walba gartiisa hadii intaa ay ku xalismi waydo waxa
looga sii gudbijirey go aan ya
gaaran xeer beegtidu gu aankuna waxauu ku salaysnaan jirey in ay sii wada joogayaan reerku iyo in ay ku
kala tagayaan marwalna waxa laxeerin jirey
danaha reerka iyo caruurta
Masayr masayku ama hinaasuhu waa nooc labaad oo ka alkumo
khilaafka qoysasku waana ka ugu adag ee ka dhex dhaca lamaanaha
masayrku waxa uu dhacaa marka lala guursado gabadh kale
taas oo ay ogalayn in lala
qabo waxana inta badan lagu xaliyaa inuu ninku iska daayo reerka kale ama
uu siiyo xoolo looyaqaan hinaasatir
hadaba waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa tixo gabayo ah oo kahadlaya guu r ka iyo kuwo laguu sheegayo laguuna tilmaamayo gabadha aad guursan lahayd sidoo kale quruxda gabdhaha iyo sida ay u yaqaanaan iyo talooyin guurka kusaabsan
abwaan maxamed fidhin
isagoo ka hadlaya wax yaabaha lagu
guursado gadadha waxa uu yidhi sidan hoos ku xusan
·
Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
markale abwaan maxamed fidhin waxauu lee yahay waxan kuu dooray
gabadhaa taana iska ilaali in ay gasho
gurigaaga sababo badan awgeed waxa uu kuu tilmamayaa inaadan waligaa ku
noolaaneyn nolol nasasho leh haday
gabadhu diin lahayn waxba matarayaan reerka ay ka dhalatay
haday geesiyaal yihiin yacni ubadka kuuma barbaariayaan maalna waxbamataraayo hadayna
diinlahayn ayaa uu leeyahay abwaanku
Gurigaaga yey galin
haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo
Gani lacagyo gunud
howgu xilan qiimo gaar malehe
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
abwaankale oo soomaaliyeed ayaa isna si fiican u tilmaamaya quruxda gadadha soomaaliyeed iyo taad guursan lahayd hadaad guur aad u hawooto sifooyinka quruxda ay u yaqaaneen
soomaalidii hore markay
qiimaynayaan quruxda gadadha waxana uu ahaa abwaan maxamed nuur fadal
wuxuuna yidhi sidan
dhadhan ma
laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
dhulka jiifto lama
guursadiyo dhererka qaarkiise
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
dhildhilada gacmihiyo
shanshada dhumucda loo yelay
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhubbad qaadka
timahaad haldhaa dhalinki moodayso
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
saddex dhudalay
dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
Abwaan Axmed Maxamed Cabdalle waxauu isaguna
ku farayareystay astaamaha lagadoonayo
gabadha la guursanyo iyo ninka
guursanaya dhankuu ka eegayo iyo wax yaabuhuu ku xulnaayo waxaanu yidhi
sidan hoos ku xusan
Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac
lahaadaane
Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Aw yuusuf maxamed xirsi oo lahaa gabayga guur aan kala aado ayaa
waxa uu dhaliilay gabdhaha sidan ay tahay astaamahoogu kamidtahay
gaabnaan ta iyo midaan xerada
xoolaha hagaajin sida basarida iyo gabadh aan soo dhaweyn odayaasha taasoon laga xusin geedka ay isku
yimaadaan odayaashu ayna odhan hablaayo
uyeedha wax ha inoo qabatee ama wax haynoo karisee hadayna intaa koobsan guur aan ka la aado
ayaa uu leeyahay abwaanku
Ganbadh lagu
fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
isla dumarkuna kama
madhna dhankooga in ay astaameeyaan raga ay doonayaan in ay guursadaan iyo sifooyinka y ku dooran lahaayeen waxa aynu soo qaadan doonaa gabadh abwaanada
oo ducaysaneysa allena waydiisanaysa
ninka ay robto waloow ay ku sar goysay
baahideeda dhanka diinta waana
gabadha ahna abwaanada Canab Guuleed
Maxamed
waxayna tidhi
sidan hoos ku qoran
Allahayow adaa
qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.
DHAMAAD
Mahadi hakaa gaarto walaal, qoraalkaagan aad baan uga faa'iiday, waxaanan u isticmaalay qoraal aan ka samaynayey hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed , waanan kugu soo xigtay halkaas.!
ReplyDeleteShp aad baa u mhdsn thy dhaqanka iyo sooyaalka fcn eed umada u iba bixisay runtii waana wax lagu diirsado lkn dhawr dhaliilood oo yar yar suugaanta aad kusoo xaradhay ama gabayada qayb bdn baa rag aan lahayn aad ku sheegtay mrkaa dib u sax inshh
ReplyDelete