welcome to ahmed tutorials
subscribe our channal and don't forget to say like share
lesson how to make partition
subscribe our channal and don't forget to say like share
lesson how to make partition
QABIIL IYO QABYAALAD
QABIIL IYO QABYAALAD
Qabiilku
waa tafiir iyo dun isku xidha dad
tol ah waana salka qofkasta uu
leeyahay iyo geedka uu qofwalba ka
beermo kama tagi karno qabiil, hasayeeshe
soomalida ayaa u adeegsatay wadada
qaldan ee qabyaalada taas oo u horseeday inay kala irdhooban wiil iyo abti, ehel
iyo arqab iyo umad danwadaag ah.
Xumaanta ay qabyaaaladu leedahay abwaano badan
ayaa si qotodheer uga maansooday
waxaana kamida abwaan xasan
daahir ismaacil (weedhsame)
In qabyaaladii dura dunta loogu wada xidhay
Seddexdii dalaaqood geedigii diyaarkii
Lagu siiyo duuduub dib maxaa usoo furay
Waynagii doraadun buladkii iyo dabayshii
Qalinada ku duugnaye sow tan doonan wali.
Qabyaaladu waxay dumisaa
reero dhisan waxay kala qoqobtaa
dadd meel wada dagan waxay xididada usiibta xidid iyo xidhiidh soo jireen ahaa
waxa laga dhaxlaa qabyaalada qax,
qaxoonti iyo qalalaase qaran.
Waxay hoos u dhigtaa sharafta umadi
leedahay qaarna waxay
dhaxalsiisaa xaq iyo xuquuq ayna lahayn.
Qabyaaladu waxay curyaamisa curinta iyo caqliga da’yarta waxayna
bartaa dhaqamo xun- xun oo noloshooda iyo ayahooga
mustaqbal baabinaysa
Kagayoonmayno qalin iyo qoraal qalaasaha iyo qudhunka ay qabyaaladu leedahay
Abwaanada soomaliyeed umay
yaraysan in cod dheer ikyo
codgaabanba ugu sheegaan umada
soomaliyeed xumaanta ay qabyaaladu leedahay.
Waxana kamidaa abwaankii
soomaaliyeed ee caanka ahaa allaha u
naxariistee cabdilaahi suldaan
timacade tixdisi noqotay hal hayska iyo halku dhiga xumaanta qabyaalada waxaanu yidhi
Dul
iyo hoosba waan ugu dhigeeye waa dix dhagaxeede
Anuunbaa
damqanaaye dhaguhu uma daloolan
Dadkaan
lahadlayaanlahayn dux iyo imaane
Bal
inay dalfooftahay caqliga dooni lagasaarey
Wixii
hore usoo daashaday dugsanaysaaye
Doc
hadii uwada jeedsatooy dhawrto daneheeda
Oyduuulwallaal tahay
duunka ka heshiiso
Dadka
kama yaaraaten way isdabar jaraysaye
Tixdan oo
aad u dherayd ayaa abwaanku wuxuu ku sooo gabagabeeyey
Dugsi
male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Taasoo
macnaheedu tahay qabyaaladu wax ma
dhistee waxbay dumisaa.
Subscribe to:
Posts (Atom)